Waangey (NN) 24/10/2016
Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarkii buunadadan waangay kahadlay ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay goobtaas isagoo si qodo dheer uga sheekeeyay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee bulshada 3 gobol kunool kuna qasbijirtay meel 60-100 KM ujirta inay kasoo wareegaan masaafo dhan 3000 KM . madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaan dheer kabixiyay tubta loomaray samaynta buundadan iyo dadaalka ay xukuumadu habeen iyo maalinba kubixinaysay.
Sidookalana, Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay bulshada kunool 3 Gobol ee Erer, Afdheer iyo Liibaan in ay dhamaatay rafaadkii iyo silicii masaafada dheer . wuxuuna tilmaamay in buundadani waxwayn katari doonta dhanka dhaqaalaha, Ganacsiga iyo isuscodka bulshada.
Dhanka kale waxaa iyana bogaadiyay xadhig kajrka buundadan waangay bulshadii kasoo qaybgashay xadhig kajarkan oo mahad celin balaadhan u soo jeediyay xukuumada DDSI dadaalka balaadhan ee ay ku bixisay samaynta buundadan qaaliga ah.
Comments are closed