Kulanka oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ah wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiga isku dhafka oo ka kala socday bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI, wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada JDFI, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin.
Waxana, kulankan lagu soo bandhigayay warbixin daraasaad ay sameeyeen gudigan isku dhafka ah kaasi oo ku salaysan heerka fulineed ee diyaar garawga Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka (UPSNP) ee magaalada jigjiga.barnaamijkan uu maalgaliyo bangiga aduunka, ayaa waxaa laga hirgalinayaa 11 magaalo oo dalkeena ah taasi oo ay ka mid tahay magaalada jigjiga. Warbixinta ay soo badhigeen gudigani ayaa waxay ku sheegeen in Magaalada Jigjiga Buuxisay Dhaman Shuruudahii Looga Baahnaa hirgalinta barmaamijkan.
madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa aad u bogaadiyay natiijada fiican ee ka soo baxday qiimayntii ay gudiga isku dhafku soo saareen daraasaadkii ay ku sameeyeen magaalada jigjiga. madaxwayne ku xigeenka ayaa si wayn ugu mahad celiyay Dadaal Is ku xidhan iyo Ka go’nansho ay Sameeyen Hay’adaha bahwadaagta barnaamijkan. waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwayne ku xigeenku in baraamijkani yahay mid diirada saaraya sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadilahaa heerka nolosha bulshada ku dhaqan magaalooyinka DDSI.
Comments are closed