Jigjiga iyo Warshada Saabuunta Samaysa Oo Xadhiga Laga jaray

fadx01Jigjiga (NogobNews) 27/10/2016

Warshada saabuunta oo  soo saaraysa 3000 oo litter oo isugu jirta saabuun qabays iyo saabuunta dharka maalinkasta ayaa si rasmi ah ay xadhiga uga jareen wasiir-kuxigeenka xafiiska jidadka yo maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga.

Hadaba, Wasiir kuxigeenka xafiiska jidadka DDSI mudane cabdulaahi maxamuud cabdi oo dareenkiisa kahadlay warshadan saabuunta ee ay xadhiga kajareen ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabadan xadhig kajarka ah uu kala soo qaybgalo maalgashadayaasha maalgaliyay warshadan saabuunta casriga ah oo ah tii ugu horaysay ee magaalada jigjiga laga sameeyo. Wuxuuna wasiir kuxigeenku xusay in mulkii layaasha warshadu ay yihiin muwaadimiin dhab ah oo deegaankooda jecel.

8Sidookale, waxaa isna kahadlay Maareeyaha Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in uu aad ugu farxaxsanyahay warshada saabuunta ee laga dhisay MM Jigjiga islamarkaana uu mahadcelin balaadhan u soo jeedinayo muwaadimiinta fikirka iyo maalingalintaba latimid. Wuxuun intaa kudaray maareeyuhu in kamaamul magaalo ahaan dhinacooda ay soo dhawaynayaan islamarkaana ay garbtaaganyihiin muwaadimiintan samaysay warshada saabuunta. Wuxuuna xusay n warshadani magaalada ay ku soo kordhin doonto faa iido badan. Wuxuuna hantiilayaasha deegaanka ugu baaqay dal iyo dibad in ay maal gashadaan deegankooda maadaama oo xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba lagarab taaganyihiin soo dhawayn balaadhan iyo taageero labadaba.

Dhanka kale, waxaa isna kahadlay xubin kamid ah mulkiilayaasha warshada samaysay oo sheegay in daraasaad kadib ay ogaadeen baahida loo qabo warshad saabuun maadaama oo ay saabuuntu inteeda badan deegaanka uga iman jirtay dalka dibadiisa. Kadib ay go’aansadeen inay iyagu sameeyaan warshad saabuun hadana ay ku guulaysteen.

Wuxuuna tilmaamay in warshadu ay maalinkiiba soo saarikarto 3000 oo liter oo saabuun ah oo isugu jirta saabuunta qabayska iyo ta dharka labadaba. Waxaana rajaynaynaa in ay warshadu xaruma kuyeelan doonta gobolada deegaanka,

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in samaynta iyo maalgashiga warshadaha ay deegaanka kusii badanayaan 2 sano ee u danbaysay iyadoo ay ahayd bilo kahor markii xadhiga lagajarayay warshada hilibka, warshada saliid macsarta, warshada caanaha geela iyo waliba warshada furaashyada oo intaba ay maalgashadeen muwaadimiin deegaanka u dhashay.

Comments are closed