Telefishinada Talyaaniga ayaa xalay baahiyey muuqaalka dhulgariirka oo xoogiisa ka dhacay Tuulada Visso ee bartamaha Talyaaniga, waxaana sidoo kale laga dareemay dhulgariiradaasi inta badan degmooyinka wadankaasi iyo Caasimada Rome.
Qaar kamid ah Kaniisadaha qadiimka ah ee ku yaal goobaha dhulgariirka ka dhacay ayaa la sheegay inay gebi ahaan burbureen, waxaana sidoo kale khasaaro xoogleh soo gaaray qaar kamid ah goobaha taariikhiga ah ee ku yaal bartamaha dalkaasi Talyaaniga.
Bishii Agoosto ee sanadkan ayuu dhulgariir ka dhacay isla deegaanadaasi waxaa ku dhintay dad gaaraya 297 qof.
Comments are closed