Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Madaxwaynaha safarka ku wehliyay ayaa dhankiisa xusay in Qardho mudooyinkii lasoo dhaafay ay ku talaabsanaysay horumaro kala duwan oo ay kamid yihiin wadoooyinkan cusub ee xariga laga jarayo iyo kuwa la dhagax dhigayo.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa ugu dambayn halkasi ka xusay in Qardho ay kamid tahay magaalooyinka kobaca balaaaran ka sameeyay dhanka wadooyinka iyo dhismayaasha wuxuu kaloo sheegay Mudane gaas inuu xariga ka jarayay marwalba oo Qardho soo gaaro mashaariic horumarineed oo qayb ka ah dadaalada dalka dib loogu dhisayo.
Madaxwayne gaas iyo wafdigiisa ayaa ugu dambayn u ambabaxay caasumada Puntland ee Garowe iyadoona la filayo in Madaxwaynaha uu halkasi ka furo kala fadhiga 38 ee Baarlamaanka Puntland oo dib u dhac ku yimi xili la filayay in kala fadhiga uu si rasmi ah u furmo 25 kii bishan October.
Comments are closed