Roobab ka Da’ay Magaalada Qabridahare Xarunta Maamulka Gobolka Qoraxay
Qabridahare (NogobNews) 28/10/2016
Magaalada Qabridahare Xarunta Gobolka Qoraxey ayaa Waxaa ka da’ay Roobab gellinkii dambe ee Maanta, iyadoo Deegaannada ay roobabku ka curteen ay u badan yihiin dhul-daaqsimeed ah.
Gobolka Qoraxay ayaa marti galisay shirweynaha 9aad ee XDSHSI oo lagu Qaban doona Tuuladda Maraacaato magaalada Qabridahare ayaa ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garawga shirweyne Xisbiga.
Shirweynaha X.D.SH.S.I ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa islamarkaana lagu soo dari doonaa xubno hogaamin cusub oo leh Aragti Xisbiga aqoon sare leh islamarkaana aad u firfircoon xubnaha cusub ayaa waxaa shacabka deegaanka Somalida itoobiya ay rajeyn doonaan 5tii sano lasoo dhaafay Isbadalka balaadhan uu ka hirgaliyay deegaanka xubnaha cusub ee Xisbiga ay sii laba laabi doonaan ka midho dhalinta barnaamijyada horumarka iyo nabadgalayda iyo maamulka suuban ee ka hanan qaaday Deegaanka Somalida itoobiya.
Ugu dambeyntii, magaalada Qabridahare ayaa maanta aad u camirneyd shacabka degmada ayaa aad ugu faraxsnaa sida ay u qaabili doonaan islmarkaana ayna u marti galin doonaan kasoo qeybgalayaasha Shirka
Comments are closed