Madaxweynaha Puntland Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta Furitaankii Kalfadhiga Barlamaanka Kadib.

gaasGaroowe (NogobNews) 29/10/2016

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u dhoofay dalka Imaraadka Carabta, ka dib markii saacado  ka hor socdaalkiisa uu si rasmi u furay Kalfadhigii 38aad ee Gollaha wakiiladda Dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee  Magaaladda Garoowe ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay qaar ka mid ah saraakiisha madaxtooyadda,waxaana  sii sagootiyeen Qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyo xildhibaano ka tirsan gollaha Wakiiladda Puntland.

War-qoraal ah oo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadu ay warbaahinta u direen ayaa lagu sheegay in Ujeedadda Safarka Madaxweynaha ee Dalkaasi Imaraadka Carabtu ay la xiriirto  kobcinta kaabayaasha dhaqalaha iyo ganacsiga Puntland.

Su’aalo ay ku waydiiyeen Xildhibaanadda  Furitaanka Kalfadhiga 38aad ee Barlamaanka Barlamaanka Puntland ayuu madaxweynuhu wuxuu ku sheegay in dhismaha Ballaarinta Dekeda Bosaso ay cidkasta iyo wadankasta oo ka caawin kara uu kala hadli doono oo uusan ka daali doonin.

Md Cabdiweli Gaas iyo Wasiirkiisa Dekedaha Siciid Maxamed Raag ayaa toddobaadkii hore ka soo laabtay Dalka Imaraadka Carabta, halkaasi oo la sheegay in tageen wadaxaajood la xiriira Dhismaha  Iyo Ballaarinta Dekeda Bosaso ay kula jireen shirkadda DP World oo Fadhigeedu yahay dalka imaraadka Carabta.

Dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Waxgarad  ayaa iswaydiinaya  Sababta Keentay in madaxweynuhu uu si deg deg ugu laabto Imaraadka Carabta iyadoo isla maanta la Furay Kalfadhigii Barlamaanka Puntland, Xildhibaanadu ay wax ka waydiiyeen Safarada faraha badan ee Madaxweynuhu uu baxo, taasi kharash badan oo cashuurta dadweynuhu uu ku baxo, sidoo kalana dalku ay ka jiro dagaalo Wajiyo badan leh iyo Abaaro ku baahay inta badan degaamadda Puntland.

Comments are closed