Daawo FBI Maraykanka ooheshey xog cusub oo ku aadan Email-ka Hillary Clinton – VIDEO

hiMareykanka (NogobNews) 29/10/2016

Booliska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa dib u bilaabey baaritaan cusub, kadib markii ay heleen xog cusub oo la xiriirta Emailka sida gaarka ah ay u isticmaashey musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Hillary Clinton xiligii ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda, xili doorashada Madaxweynaha ay ka harsan tahay maalmo keliya, iyada oo malaayin qof oo kale ay codkoodi horey u dhiibteen.

Agaasimaha Hay’adda FBI ee dalka Maraykanka James Comey ayaa warqad u direy Komishanada Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo uu la socodsiinayo xogtan cusub, Comey ayaa sheegay in aysan garaneyn muddada ay qaadan doonto baaritaanka ay dib u fureen, wuxuuse sheegay in ay yihiin kuwo macne u leh dhacdada Serverka gaarka ah ee Hillary isticmaashey.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in xogta cusub ee FBI-du heshay laga helay haweeneyda la yiraahdo Huma Abedin oo gacan yare u ahayd Hillary Clinton 2009-2013. Wararka ayaa intaas ku daraya in xogtan cusub ay la xiriirto baaritaan ku aadan Anthony Weiner oo ka tirsanaaan jirey aqalka Kongress-ka kadib markii uu fariin galmo la xiriirta telefonka ugu direy gabar 15 sano jir ah. Mr Weiner xaaskiisu waa Huma Abadin oo Clinton la soo shaqeysey xogtana laga heley Kunbuyuutar ay lahayd iyadu.

Huma Abadin oo diyaaradda Hillary Clinton la saaran maalintiin shalay ee ol-olaha doorashada

Huma Abadin oo diyaaradda Hillary Clinton la saaran maalintiin shalay ee ol-olaha doorashada

FBI ayaa horey baaritaan ugu hayey Anthony Weiner arrimo la xiriira galmo, sair anshax xumo ah iyo xiriir uu la sameeyey gabar 15 sano jir ah oo deggan gobolka North Carolina.

Baaritaanada ku socda Hillary Clinton ayaa la xiriira in ay dayacdey masuuliyadeedi, isla amrkaana ay khatar gelisey arrimo sir ah.

Arrintan waxaa ka faa’ideystey oo ay u noqotey mid uu si weyn ugu farxay ninka la tartamaya Hillary Clinton oo rajadiisu ahayd mid ka hooseysa tan Hillary, waxaana uu ku tilmaamey fadeexadii ugu weyneyd ee qarniga ee lamid ah tii Watergate ee Todobaadanaadkii, waxaana uu dalbadey in tartanka laga saaro Hillary Clinton, waxaana uu ku tilmaamey qof aan la aamini karin.

Hillary oo jawaabtey

Dhacdadan ayaa Hillary Clinton ku noqotey mid ay aad uga naxdey iyada oo doorashada maalmo keliya ka harsan tahay.

Hillary Clinton oo ol-oleehada doorashada ka wadey maalintii Jimacada gobolka IOWA ayaa sheegtey in waxa FBI heshey ee xiligan lagu soo beegay ay muhim tahay in shacabka Maraykanka loo soo bandhigo oo ay ogadaan, waxay sheegtey in aysan waxba ka bedeleyn baaritaankii la soo xirey bishii July ee sanadkan.

Comments are closed