Daawo Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Chicago – VIDEO

shilChicago (NogobNews) 29/10/2016

Dhawr qof ayaa ku dhaawacmey kadib markii diyaarad nooca rakaabka ah uu qabsadey dab aad u xooggan garoonka diyaaradaha ee O’Hare International Airport, magaalada Chicago dalka Maraykanka.

Sida ay sheegayso warbaahinta gudaha ee Maraykanka diyaaradda Boeing 767 waxay u duuli lahayd markaas gobolka Miami ee isla dalka Maraykanka, marka dabku ka kacay, waxaana gubtey mid kamid ah Matooradeedi.

Isku dar 161 qof oo saarnaa ayaa laga soo bad-baadiyey. Sida laga soo xiganayo ABC waxaa dabka ku dhaawacmey 9 qof kuwaas oo laba kamid ah xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Comments are closed