Maleeshiyada Shabaab oo dib looga saaray deegaanka Goof-gaduud

goofgaduudGoof-Gaduud (NogobNews) 30/10/2016

 Magaalada Baydhabo wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed-Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa dib u qabsadeen deegaanka Goof-gaduud oo ku dhow magaalada Baydhabo.

Deegaanka Goof-gaduud waxaa saakay dagaal xoogan kadib la wareegay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinacyada dagaalamay waxaa ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac oo waxaa kaga geeriyooday dagaalka lix qof oo labada dhinac ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Maxamad Isaaq Carcas ayaa sheegay in deegaanka haatan ay ku sugan yihiin ciidamada is kaalmaysanaya ee dowladad Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed-Soomaaliya.

Xaaladda deegaankaasi ayaa haatan degan.

Comments are closed