Diyaaradaha Sucuudiga oo 33 qof ku diley Yemen

sacudigaSacuudiga (NogobNews) 30/10/2016

Isbahaysiga Sucuudiga ayaa diley 33 qof kadib markii ay weerar ku qaadeen saddex goobood oo ku yaala Galbeedka dalka Yemen.

Dhisme ku yaala magaalada Saydiya oo Waqooyi uga beegan magaalada dekadda leh ee Xudeydah ayaa saddex weerar oo ay qaadeen Isbahaysiga Sucuudigu ku burburiyeen, dhismahaa kaas oo la sheegayo in ay ku jireen 84 qof oo maxaabiis ah, kuwaas oo u badnaa kuwo ka soo horjeeda Xuuthiyiinta.

Dadka geeriyoodey waxaa kamid ah malayshiyaad ka tirsan Xuuthiyiinta oo dhismaha gaar ka hayey.

Lama oga sababta diyaaradaha Isbahaysiga Sucuudigu ugu qaadeen dhismahan oo hadda la sheegayo dadka ku sugnaa in ay ahaayeen maxaabiis iyo waardiyaal sida laga soo xiganayo AFP.

Horaantii bishan Oktoobar ayey ahayd markii diyaaradaha suciidugu ay duqeeyeen goob uu ka dhacaayey aas kaas oo ay ku dileen dad ku dhaw 150 qof, Sucuudiga ayaa markii hore iska fogeeyey inkasta oo baaritaan ay sheegeen in ay sameeyeen  oo ayku dhacdey si khalad ah.

Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ayaa qayb ka noqdey dagaalada Yemen bishii Maarso 2015, waxaana ay taageeraan Dowaldda Abd-rabbu Manuur Hadi ee laga saarey caasiamdda Sanca.

Comments are closed