Maamulka Galmudug oo sheegay in ay xoog ku soo furteen haweenay afduub loo heystay

galmudGalmudug (NogobNews) 30/10/2016

Ciidanka maamulka Galmudug-Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si xoog ah ku soo furtay haweenay ajnabi ah oo afduub u heysteen koox burcad badeed ah.

Haweenaydaasi oo u dhalatay dalka Kenya ayaa afduubloogu heystay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Galmudug ay howl gal ku soo furteen haweeneyda, isla markaana aysan jirin khasaare ka dhalatey hawlgalka dhexmaray ciidanka iyo kooxaha burcad badeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii koox burcad badeed ah ay siidaayeen markab iyo shaqaalihii sarnaa, kadib markii la siiyey lacag madax furasho ah.

Comments are closed