Shirweynihii 9aad ee XDSHSI oo Maalintii 1aad galay Barito lasoo gabagabin doono

72dfd1c4d6a059e5b4b8b15560a60f1dMaracaato (NogobNews) 31/10/2016

Waxaa Tuulada Maraacaato Ee ka tirsan gobolka Qoraxey ka socda shirweynhii 9aad ee XDSHSI Waxaa galinkii Hore maanta lagu doortay Xubnaha shir gudoonka Shirweynaha 9aad ee XDSHSI oo ka kooban shan Xubnood oo kala ah

(1)-Marwo Sucaad Axmed Faarax Gudoomiye

(2)-Marwo Fartuun Cabdi Mahdi Gudoomiye Kuxigeen

(3)-Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Xubin

(4)-Muadne Maxamed Rashiid Isxaaq Xubin

(5)-Mudane Cabdi xakiin Cigaal Xubin 

Xubnaha Shir gudoonka ayaa Waxey soo gudbin doonaan ajandaha iyo istiraajiyada jihooyinka Xisbiga Shacabweyha deegaanka dal iyo dibad ayaa waxey isha ku hayaan waxa ka soo bixi doona shirweynaha 9aad ee xisbga.

Ugu dambeyntii, Tuulada maracaato oo aad u camirangolaha waxaa ka soo Qeybgalay wasiirada DDSI ergooyinka kala socday dhamaan degmooyinka deegaanka , ergooyinka qurba joogta DDSI, wakiilada ka socda xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI iyo marti sharaf kale.

Wixii ka soo kordha wararka dambe haduu alle ogalaado kala soco warbaahinta DDSI NN

Madaale nogobnews maracaato

Comments are closed