Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya: “1,220 qof oo Soomaali ah ayaa ku xiran 22 dal oo caalamka ah”

xeeerMuqdisho (NogobNews) 01/11/2016

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxaabiis ka badan Kun  qof oo Soomaali ah ay ku xiranyihiin xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala caalamka.

Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu tilmaamay in maxaabiistaasi aysan heysan cid u doodda islamarkaana lagu rido xukun dheer, wuxuuna ka codsaday madaxda dowladda  iyo bulshada  Soomaaliyeed in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto burcadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Viatnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadkaasi anagey naga sugayaan iney cadaalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

“Dadkaasi intooda badan burcadbadeednimo ayaa lagu xukumaa Xuquuq maleh, Looyar looma qabto, isma difaacaan, marqaati looma keeno 15 sano 20 sano ayaa lagu xukumaa” ayuu sii raaciyay xeer ilaaliye Dr Axmed

Xeel ilaaliya  wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in dadkaasi ay helaan cid u doodda oo xuquuqdooda difaacda iyo in kuwa la kuxumay ay helaan xabsiyo leh nolol wanaagsan, wuxuuna xusay in xabsiyada hindiya ay yihiin kuwa ugu liita caalamka.

Comments are closed