Dowlada Lubnaan ayaa ku dhisan awood qeybsi ah in Xilka Madaxweynaha uu qabto siyaasi kasoo jeeda Kirishtaanka, halka Raysalwasaaraha uu qabto Siyaasi Sunni ah iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo ay inta badan qabtaan Xubnaha ka yimaada garabka Shiicada dalkaasi, awood qeybsigan ayaa ah kii la sameeyey kadib dagaalkii sokeeye ee mudada dheer wadankaasi ka socday.
Balse Baarlamaanka dalkaasi ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku guuleysan waayey in uu doorto Madaxweyne cusub, arrintaasi oo keentay in wadankaasi uu noqdo Madaxweyne la’aan muddo labo sano iyo bar ah.
Shacabka Lubnaan ayaa si weyn usoo dhaweeyey Doorashada Madaxweynaha cusub, iyagoo rajo ka qaba in dowlada cusub ay xal u hesho dhibaatooyinka badan ee wadankaasi ka taagan gaar ahaan adeega bulshada oo uu hakad ku yimid.
Comments are closed