Wardegdeg Ah 4ta Xubnood Gudiga Fulinta Cusub DDSI Magacyadooda

 

ddsiMaraacaato (estvlive) 02/11/2016

Shirkan Ayaa Ahaa Shirwaynihii 9aad Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Qiimaynayay Warbixintii U Dhaxaysay Labada Shirwayne Ee Fiiq Iyo Maraacaato. Kadibna Waxaa Lagu Ansixiyay Warbixinadii Iyo Jihooyinkii Siyaasadeed Ee XDSHSI U Yaalay. Guud Ahaan Geedi Socodka Shirwaynaha Ayaa Ahaa Mid Waafaqsan Xeer Hoosaadka Xisbiga Iyo Nidaamka Dimuqraadiga Ah.

 

Waxaa Hoolka Shirwaynahan 9aad Kasoo Qayb Galay  Ismaamulada Diridhaba Iyo Addis Ababa. Waxaa Kaloo Kasoo Qayb Galay Wakiilada Kasocday Ururada Bahwadaagta La Ah XDSHSI Oo Uu Ugu Horeeyo Ururka Talada Dalka Haya Ee EPRDF. Hadaba Waxaa Saaka Hoolkii Shirwaynaha 9aad Ee Kasocday Tuulada Maraacaato Si Habsami Iyo Sharciga Waafaqsan Uga Dhacday Doorashadii Iyo Cod Bixintii Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga.

 

Waxaana Ladoortay 47 Xubnood Oo Golaha Dhexe Ah Kadib Markii Uu Shirgudoonku Si Sharciga Waafaqsan Ugu Dhawaaqay Bilaabista Cod Bixinta Xubnaha Codka Leh Iyo Nidaamkii Doorashada. 47 Xubnood Ee Golaha Dhexe Ayuu Xisbigu Doortay, waxaa halkaasi lagu doortay 15 xubnood gudiga Fulinta DDSI

Xubnaha Cusub Gudiga Fulinta DDSI Magacyadooda 

(1) Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Wasiirka jidadka DDSI

(2) Marwo Faaduma Cabdilaahi Takhal

(3) Mudane Cabdi Mahad maareeyaha wakaalada iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI,

(5) Mudane Maxamed Cabdi Bare Gudoomiyaha gobolka doolo

 

Comments are closed