DAAWO Doorashada USA: Trump oo la saadaalinayo inuu hada ku horeeyo loolanka Doorashada – VIDEO

mareykankaMareykanka (NN) 02/11/2016

Tartanka doorashada Maraykanka ayaa maraya heerkii ugu sareeyey xili ay asbuuc ka hartay codbixinta doorashada Guud ee wadankaasi.

 

Qaar kamid ah gobalada dalka Maraykanka ayey shacabka horey usii dhiibteen codkooda, waxaana la sheegay inay hada dad ku dhaw 28 milyan oo qof ay codkooda horey u dhiibteen.

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa muuqata in hada uu ku horeeyo cododka sida ay saadaalinayaan qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka, balse ololaha Hillary Clinton ayaa dadaal ugu jira inay kasoo kabtaan dhaawacii kasoo gaaray qoraalkii dhawaan kasoo baxay xafiiska Agaasimaha FBI-da James Comey oo sheegay inuu dib u bilaabayo baaritaankii lagu waday Emailada Hillary Clinton xiligii ay ahayd xoghayaha Arrimaha Dibada, kadib markii ay heleen emailo horleh.

Baaritaanka FBI-da ee la hadal hayo ayuu si weyn uga faa’iideystay Murashaxa Jamhuuriga Trump oo isagu bilihii lasoo dhaafay fadeexad ka heysatay codod horey looga duubay oo uu ku aflagaadeenayo haweenka. Ololaha Hillary Clinton ayaa hada bilaabay xayeysiimo ay kasii deynayaan Telefishinka iyagoo markale ku weeraraya Donald Trump aflagaadada uu u geysto haweenka, taasi oo ay ku raadinayaan inay taageero uga helaan haweenka Maraykanka oo codkoodu yahay muhiim.

doorashada-usa-saadaalinta-7maalmood-obama

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo gacan siinaya Hillary Clinton ayaa shalay ololaha doorashada u tagay gobalka Ohio oo ay si weyn ugu tartamayaan xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, Obama ayaa weerar adag ku qaaday taariikhda xun ee Donald Trump iyo inaan lagu aamini karin hogaanka dalka Maraykanka. Obama oo ah Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa ah nin weli ka taageero badan labada murashax ee hada tartanka ku jira, taasi oo ay dooneyso inay ka faa’iideysato Hillary Clinton.

Comments are closed