M/weynaha DDSI oo Dib Ugu Soo Laabtay Jigjiga Kaddib Shirweynihii 9aad X.D.SH.S.I

screenshot_20161103-194802Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 03/11/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii  ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ayaa maanta dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.

madaxwaynaha DDSI iyo wafdigiisa oo ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI oo xalay lagu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato islamarkaana uu gunaanadkii shirwaynahan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka soo jeediyay warbixin ku qotonta  jihooyinka iyo istaraatajiyadaha xooga uu xaaraya XDSHSI  2da sano iyo bandhka soo socda ayaa saaka ka soo baxay  magaalada qabridahar ee xarunta Gobolka Qoraxay

Haddaba, wafigan oo socdaal dhulka ku soo maray ayaa  intii ay madaxwaynaha DDSI iyo wafiga ku soo socdeen caasimada DDSI ee jigjiga  waxay soo  booqdeen mashruucyada waawayn ee lagu hormarinayo bulshada DDSI oo  qaybta ka ah dadaalka loogu jiro sidii loogu tir tiri Lahaa saboolnimada dalka iyo deegaanka laguna gaadhayo isku filnaansho kuwaasi oo laga hirgalinayo  wijiwaaji, Goomaar, Shaykoosh, Birqod Baka.

Madaxwaynaha DDS iyo wafigan  ayaa u kuurgalay geedi socdka shaqo ee mashaariicaha waawayne ee laga hirgalinayo goobahan ay booqdeen waxaana sharax dheerka siiyay heerka ay marayaan mashaariicahan hawl wadeenada  iyo engineerada fulinaya mashaariican waxayna sheegeen in mashruuca waraabka beeraha ee wijiwaaji uu waraabin doono dhulbeereed dhan 3,000 higter halka 3da mashruuc ee  kalana ay mid kasta uu waraabindoono 3,000 oo higter isku gayn mashaariican waawayn ayaa waxay waraabindoonaa dhul beereed dhan 12,000 Higter. Waxaana mashaariican waawayn ee waraabka beeraha loogu faa’iidayndoonaa qoysas dhan 20,000.

Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa galabta ku soo  caraabay  caasimada deegaanka ee jigjiga

Comments are closed