Jaaliyadda DDSI Australia Melbourne Xaflad lagu Taageeri Shirweynihii 9aad XDSHSI Maraacaato

15008018_1839155126362196_1277685526_oMelbourne (ESTVLIVE.COM) 06/11/2016

Jaaliyadda DDSI Australia ayaa xaflad balaadhan ku qabtay magaalada melbourne Xafladaasi oo lagu taageerayo Shirweynihii 9aad ee X.D.SH.S.I ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar kamid ah Hogaaminta Jaaliyadda DDSI Australia iyo Taageerayaasha XDSHSI iyo waxgaradka iyo fanaanin aad looga jecelyahay Australia.

14957973_1839156026362106_351102613_oJaaliyadda Australia ayaa ah Jaaliyad aad u firfircoon oo ku dheehan wadamiyad xubno kamid ah hogaaminta jaaliyadda ayaa waxey soo diyaariyeen Abaal-marino la gudoon siinayo xubno ka mid ah jaaliyadda oo dadaal balaadhan sameeyay sifa mooraalkooda kor loogu qaado isla markaana lasii xoojiyo taageerada XDSHSI. Waxaa ugu horeyn meesha ka hadlay Gudoomiyha Jaaliyadda DDSI Victroria Mudane Fatxudiin Xirsi iyo Kuxigeenkiisa Guleed dheeg. oo ay ka warbixiyeen Taariikhdii Xisbiga isla markaana ay taageersan yihiin Shirweynihii 9aad ee XDSHSI lagu Qabtay Tuulada Maraacaato.

14971686_1839156063028769_61923797_oAqoonyahan Yusuf Haybe oo sharaxaad dheer ka bixiyay sooyaalkii taariikheed iyo isbadaladii horumarineed ee uu dalku soo maray 25kii sano ee lasoo dhaafay iyo gaar ahaan deeegaanka 25kii sano ee udanbaysay iyo faraqa udhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada cusub ee maanta.

14971587_1839156093028766_539154602_oXubnaha Abaal-marinta lagudoon siyay ayaa ka mid ah Mudane Yusuf Haybe, Marwo Tufaax Garaad, Marwo Umalkheyr Dalmar Jaaliyadda DDSI Australia ayaa ah jaaliyad lagu xasuusto sida weyn ay u soo dhaweeyeen Wafdigii Madaxweynha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar uu hogaaminayay iyo sida y cagta u mariyeen kooxdii nabad-diidka ahaa

14964163_1839156046362104_1182193313_o

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Khadar Adan Yare oo Sheegay Xukuumadda DDSI in ay deegaanka ka hirgalisay hormar balaadhan oo cad-cadaani kudheehan tahay hadaanu nahay Qurbajoogta Australia waxaanu taageersan nahay XDSHSI hajiro waligiisa.

Ugu dambeymtii, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay oo marti ku ahaa Fanaanada Weyn Sahra Yurub oo heeso Cusub oo deegaanka lagu Amaanayo ka qaaday xaflada waxaa aad u soo dhaweeyay jaaliyadda DDSI Australia xaflada lagu taageerayay Shirweynihii 9aad XDSHSI ayaa guul ku soo dhamaatay.

 

Comments are closed