Donald Trump oo Soomaalida ku tilmaamey in ay dhibaato ku yihiin Minnesota.

trumpMareykanka (NN) 07/11/2016

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii Axadda ol-olihiisa gaarsiiyey gobolka Minnesota oo ah gobol Buluug ah oo Dimoqraadigu xoog ku lee yahay.

Gobolka Minnasota ayaa ah gobolka ay ugu badan yihiin jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ku nool, waxaana lagu tilmaamaa buslho ka muuqda qaybaha kale ee dadka.

Trump oo horey saddex jeer u aflagaadeeyey Soomaalida Maraykanka ayaa isu-soo-bixiisa ol-oloha doorashada shalay ee Axadda sheegay, in Soomaalidu dhibaato ku yihiin Minnesota.

– Halkan Minnesota waxaad aragteen dhibaatada ugu badan ee ay la yimaadeen soogalootigu, idinka oo ay idinla joogaan tiro aad u badan oo Soomaali qaxooti ah, kuwaas oo yimid gobolkiina, idinka oo aan waxba ka ogeyn, ama aan taageerin qorshaha ay ku yimaadeen, sidaas ayaa Trump ka yiri gobol uu ogyahay in aanu doorashadiisa ku guuleysaneyn isaga oo aflagaadeynaya markii saddexaad dadka Soomaalida ah.

Donald Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaar badan oo ka tirsan Soomaalidu ay ka mid noqdeen ISIS.

– Qofkasta maanta waxa uu akhrinayaa dhibaatada ka taagan Minnesota, waxaana uu yiri xitaa xaq uma lihidin in aad ka hadashaan dhibta gobolkiina haysata.

Trump ayaa horey hadalo aflagaado ah uga sheegay Soomaalida deggan gobolka Main ee dalka Maraykanka iyo weliba gobolka Minnesota.

Comments are closed