Qurbajoogta ka soo Qeybgashay Shirweynihii 9aad Ee XDSHSI kulan loo qabtay Maanta

screenshot_20161108-162813Jigjiga  (ESTVLIVE.COM) 08/11/2016

Shirweynihii 9aad ee Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya ee lagu qabtay Tuulada Maraacaato oo ka Tirsan Xarunta Maamulka Gobolka Qoraxey ee Magaalada Qabridahere ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qurbajoog ka kala timid daafaha dunida islamarkaana ay marqaati ka noqdaan shirweynaha X.D.SH.S.I

waxaa maanta hoolka shirarka qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga ayaa maanta kulan loogu qabtay Qurbajoogtii ka soo qeybgashay Shirweynihii 9aad ee Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya waxaana ka soo Qeybgalay dhamaan wafuudii Qurbajoogta DDSI ee ka kala timid daafaha dunida.

fb_img_1478598507998waxaa kaloo ka soo Qeybgalay kulankaasi Wasiirka Ganacsiga DDSI Ahna Madax Arrimaha Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya iyo Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Wahaab Yusuf Maxamuud iyo Marti Sharif kale kulan ayaa ahaa u jeedadiisa loo qabtay in Qurbajoogta DDSI la weydiyo sida ay u arkeen shirweynaha 9aad X.D.SH.S.I .

Qaar ka mid ah ayaa ka hadlay ayaa waxey sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay indhahooda ku arkeen qiimayn iyo isla xisaabtan Cad cad oo ay cadaalad iyo dimuqoraadiga ku dheehan tahay taaso ay ku timaameen maanta in deegaanka uu ka hirgalay xukuumad ka fikireysa mas’uuliyada saaran sidii shacanka deegaanka Somalida itoobiya ku dhaqan si daacad ah loogu adeegi lahaa qofka aan daacad nimada ama shaqadiisa wajibaadka saarnaa ka soo bixi waaya isagoo sharciga loo marayo lagu qiimeeyo waa Arrimaha Qurbajoogta DDSI aad u soo jiitay.

waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga DDSI Ahna Madax Arrimaha Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya Mudane khadar Cabdi ismacil oo ku booriyey in Qurbajoogta DDSI ay wadaan in dadaal xoogan islamarkaana looga baahan yahay in si daacadnimo ah sii xoojiyaan islamarkaana Xukuumadda DDSI waxey diyaar ula tahay in ay garab istaagi doonto fursadaha maalgashi ah ee ka jira dalka iyo deegaanka ka caawin doonta,

Ugu dambeyntii Kulankan ayaa waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane cabdiwaab oo kula dardaarmay Qurbajoogta DDSI taageerada ay u hayaan Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya ay sii xoojiyaan wuxuuna uga Mahad Celiyay dhamaan Xubnaha wakiilada Qurbajoogta DDSI Ee ka soo Qeybgalay Shirweyniha 9aad X.D.SH.S.I.

Comments are closed