Donald Trump oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka markii uu Adkaaday H. Clinton

screenshot_20161109-083124Mareykanka (NN) 09/11/2016

Donald Trump ayaa loo doortay inuu Madaxweyne cusub ka noqdo Mareykanka, kaddib guul lama filaan ah uu ka gaaray doorashadii dalkaas ka dhacday ee lagu soo xulanayay Madaxweynaha cusub.

Trump oo ahaa musharraxa xisbiga Jamhuuriga uga qaybgalay doorashada Madaxweynaha ayaa ka adkaaday musharaxii Xisbiga Dimuquraadiga ee Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay ku guuleysanayso doorashada sannadkan ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa helay 276 cod oo ka badan dhibcihii loo baahnaa si loogu guulaysto madaxweynennimada oo ahayd 270-cod oo keliya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale Tabiyey in Hillary Clinton ay kula hadashay Donald Trump, ayna u xaqiijisay in looga adkaaday Doorashadii madaxweynenimo ee Mareykanka.

Sidoo kale, Trump ayaa ku guuleystay inta badan gobolladii muhiimka ah ee ee sida adag loogu loolamayay sida; Florida, Ohio, Iowa, Wisconsin iyo North Carolina.

Tallaabadan ayaa ku noqotay shacabka Mareykanka mid la yaab leh, taas oo ahayd mid aan la filayn inay dhacdo, sidoo kalena uu Trump ku guuleysto gobollo aanay ku dhowaad 30-sano ku guuleysan musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida Pennsylvania iyo Wisconsin.

Dhanka kale, Donald Trump oo 70-jir ah, isa makaana ah maal-qabeen aan wax badan kala socon siyaasadda ayaa hoggaamin doona Mareynkanka oo ah idka adduunka ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan.

Ugu dambeyn, waddamo dhawr ah oo ka haday guusha Trump ayaa waxay ku tilmaameen mid dhibaato ku ah Mareykanka, waxayna qaarkood Xuseen inay tixgelin doonaan goaanka shacabka Mareykanka.

 

Comments are closed