Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Federalismka Oo Ka Furmay Diredhaba.

screenshot_20161110-193844Diredhaba (ESTVLIVE.COM) 10/11/2016


Waxaa maanta ka furmay ismaamulka magaalada deridhaba kulan balaadhan oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha federaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyii ka socay , Forum of federationka Bariga Africa, degaanada: Somalida Itoobiya, Oromia, Canfarta, Harari,  ismaamulka magaalada deridhaba iyo waliba khabiiro ka socda Jaamacada dalka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee dalka.

0000dere2Kulankaa oo lagu qorfaynayay nidaamka federalismka iyo xidhiidhka u dhexeeya dawlada federaalka iyo dawlad deegaanada dalka  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiiru dawlaha Wasaarada Arimaha Federalka iyo Horumarinta xoolo-dhaqatada JDFI mudane Mulugeta Wulataw wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay kulankani isaga oo sheegay in mudada uu socdo lagu soo bandhigidoona qoraalo iyo nuqulo ku saabsan nidaamka federalismka iyo waliba xidhiidhka u dhexeeya dawlada federalka iyo dawlada deeganada dalka.

0000dere3Waxaana, ka mid ah cashirada lagu qaadanayo mudada uu socdo kulankani sida ay noo sheegeen masuuliyiinta DDSI uga qayb-gashay kulankan  Federalism, managing diversity and polity building in Ethiopia. 2. Practice and challenges of Intergovernmental Relations in the Ethiopian federation 3. Intergovernmental Relation policy Study.

isku soo wada duub oo  kulankan oo qayb ka ah sii xoojinta nidaamka federalismka  dalka ayaa wuxuu ku soo hagaagay xili deegaanka soomaalida Itoobiya uu dayr adag oo aan la dhaafi karin u noqday badbaadada nidaamka federalismka ee Itoobiyada Cusub, kulankan ayaa waxa uu  socon doonaa mudo 2  cisho ah

Comments are closed