Hal ku dhagga ayaa ah, ‘not my president’ oo ka dhigan, ‘ma ahan madaxweynaheyga’. Dibadbaxyo ayaa la soo tebinayaa inay haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ka socdaan Washington, Baltimore, Philadelphia iyo New York.
Sidoo kale ayaa dibad baxyo ay kasocdaan Los Angeles, San Francisco, Oakland, California, Portland, iyo Oregon.
Dibad baxyada ayaa u badan kuwo si nabad ah u dhacaya in kastoo waxoogaa amar diido ah lasoo tebiyay meelaha qaar inay ka dhaceen.
Mar sii horeysay ayaa gobolka Soomaalidu u badan tahay ee Mareykanka ee Minneapolis laga soo sheegay in asna ay ka dhaceen dibad baxyo gaar ahaan wadada 94.
Dibadbaxeyaasha ayaa wadooyinka ka xiray gawaarida ugu yaraan muddo saacad ah aydoo booliskuna uu wadadaa gaaf wareegayay si wax rabshad ah loo baajiyo.
Gudaha Washington DC 100 qof oo mudaaharaadeyaal ah ayaa min Aqalka Cad ilaa hoteelka Trump International Hotel socod ku maray ayagoo ku dhawaaqayay hal ku dhagyo ka dhan ah madaxweynenimada Trump.
Intaa ka hor Arbacadii mudaaharaadyo looga soo horjeedo Trump ayaa ka dhacay in ka badan toban magaalo oo waaweyn gudaha dalka Mareykanka.
Comments are closed