DAAWO Afghanistan: Talibanka oo weeraray Qunsuliyada Germany – VIDEO

afghanistanAfghanistan (NN) 11/11/2016

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay weerar ay kooxda Talibanka ku qaaday Qunsuliyada dowlada Germany ay ku leedahay magaalada Masari-Shariif ee waqooyiga dalka Afghanistan.

Illaa iyo hada dowlada Germany faah faahin kama soo saarin weerarkaasi ismiidaaminta ah inay waxyeelo kasoo gaartay shaqaalahooda ku sugan qunsuliyada.

Weerarkan ayey kooxda Talibanka sheegtay inay uga aargudaneysay duqeyntii todobaadkii hore ay diyaaradaha NATO ka geysteen magaalada Kundus oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur.

Dagaalkii ka dhacay nawaaxiga Kundus asbuucii lasoo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay labo ka tirsan ciidamada dowlada Maraykanka ee gacanta siinayey ciidamada xukuumada Afghanistan.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Talibanka weerar noocaan ah uga jawaabto Duqeynta ay geystaan diyaaradaha isbaheysiga NATO ee gacanta siinayay dowlada Afghanistaan.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale horey xasuuq uga geysta magaalada Kundus, kadib markii ay si khaldan u duqeeyeen Isbitaalka magaaladaasi xili ay kooxda Talibanka ka dagaalameysay qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaas.

Comments are closed