Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Puntland ka hadlay arrimaha Abaaraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ka tirsan Puntland oo uu sheegay in abaar ba’an oo saamayn weyn ku reebtay dadka iyo duunadda ay ka jirto.
” Colaadda iyo abaartuna waa laba waxyaalood oo alle laga magan galo, ilaahay waxaan ka rajeynaynaa inuu umaddiisa qaboojiyo oo naxariistiisa siiyo , runtii dadku aad bay u dhiban yihiin xooluhuna aad bay u tabar daran yihiin, ilaahay ayaa awoodi kara inuu abaarta inaga dul qaado, waana muhiim inaan ilaahay barino oo ducaysano” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa inuu maalmaha soo socda uu ku sugnaan doona agaalada Galkacayo, waxaana la sugayo Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynah Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulada Dalka ka dhisan si loo soo afjaro dagaalada iyo Colaada ka jirta Gaalkacayo.
Comments are closed