Sidda ay sheegayaan wararka halkaa naga soo gaaraya labada madaxweyne ku kala sugan labada dhinac ee magaalada oo mid walba kulamo hoosaadyo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ka hor wadda hadlada la la fillayo in ay furmaan maalinta berri ah.
C/wali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo tahay siddii nabad loogu soo dabaali lahaa Gaalkacyo oo todobaadydii ugu danbeeyay ka dhacayeen dagaallo culus.
Waxaa uu intaa ku darray in siddoo kale magaalada soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ka dhisan, ra’iisul Sharma’arke iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii labada madaxweyne C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed ay heshiis xabad joojin ku gaareen magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaalo maalmo socday, waxaana heshiiskaasi uu noqday mid aan dhaqan gelin.
Ugu danbeyntii dadka reer Gaalkacyo gaar ahaan kuwii ka barakacay magaalada ayaa siweyn isha ugu haya kulanka labada madaxweyne oo markan hishiiskooda ay goob joog ka noqon doonaan saraakiil ka tirsan QM, waxaana la rajeynaa in wadda hadalladan soo gabagabeeyaan colaada magaalada Gaalkacyo .
Comments are closed