DAAWO Dhulgariir Xoogleh oo Saqdii dhexe ku dhuftay wadanka New Zealand – VIDEO

newzealand-dhulgariir2016-2New-Zealnd (NN) 14/11/2016

Dhulgariirkan oo awoodiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa burbur baaxadleh u geystay magaalooyinka waaweyn ee saaran bariga wadankaasi New Zealand.

Ugu yaraan 2 qof ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen dhulgariirkan oo xoogiisa ka dhacay nawaaxiga magaalada Christchurch.

newzealand-dhulgariir2016

Dadka ku nool xeebaha bari ee wadankaasi ayaa xalay saqdii dhexe loogu baaqay inay ka fogaadaan xeebta, maadaama laga cabsi qabay Tsunami ka dhalatay dhulgariirka.

Waxaa burbur xoogleh soo gaaray Wadooyinka deegaanada u dhaw halka uu dhulgariirka ka dhacay, waxaana weli socota dadaalka loogu jiro in loogu gurmado dadka ay khasaaraha soo gaartay.

Shacabka oo banaanka uga baxay guryahooda

Shacabka oo banaanka uga baxay guryahooda

Raysalwasaaraha New Zealand John Key ayaa shacabka ugu baaqay inay ka feejignaadaan inay galaan goobaha ama guryaha uu burburka soo gaaray.

Muddo hada laga joogo shan sano ayey ahayd markii nawaaxiga magaalada Christchurch uu sidan oo kale uga dhacay dhulgariir xoogleh oo ay ku dhinteen dad gaaraya 185 qof.

Comments are closed