Warqadda UNHCR u qortey Norway ayaa taariikhdeedu ahayd 7 Nofeembar, waxaase la shaaciyey maalintii shalay ee Arbacada. Qoraalaka ayaa lagu yiri Muqdisho waa ka fogtahay mid deggan oo la isku haleyn karo, taas oo Norway laga dalabadey in aysan khatar gelin nafta dadka ay celineyso.
UNHCR ayaa dhamaan dalalka Nordic la isku yiraahdo ee dhaca Waqooyiga Yurub ugu baaqdey, in aan dadka Soomaalida ah laga qaadin qaxootinimadooda, sida uu qorey Dagbladet.
Dalka Norway ayaa Soomaali aad u badan kala noqdey sharciyadii ay horey u siiyeen, waxaana ay ku wargeliyeen in ay boorsooyinkooda xir-xirtaan dalkana laga tarxiilayo. Waxaa la aaminsan yahay in koox siyaasiyiin ah oo Soomaali ah ay ku lugleeyihiin celinta qaxootiga Soomaalida kuwaas oo xoogaa lacago ah ku qaatey, waxaana hawlaha fududeynteeda u qaabilsan Safaaraddaa Kenya ee Norway oo dhawaan loogu daray Safaaradda Norway ee Soomaaliya.
UNHCR ayaa sheegtey in aysan ka soo horjeedin qaxootiga iskood u laabanaya, laakiin ay si weyn uga soo horjeedo in Norway ay dadka kala noqoto xaaladooda qaxootinomo oo si khasab ah dib loogu celiyo Soomaaliya.
Comments are closed