Shacabka magaalada Bosaso oo isugu soo baxay bannaan roob doon ah

robBoosaaso (NN) 17/11/2016

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland-Soomaaliya ayaa laga sameeyey bannaan bax roob doon ah, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen culimo’udiinka.

Bannaan baxa roob doonka ah ayaaka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, culimo’udiin iyo boqolaal dad weyne.

Dhamman dadkii ka soo qey galay bannaan baxa roob doonka labo rakcadood oo salaad kadib ayaa ALLE ka beyay in uu k adul qaado abaarta isal markaana ugu bedelo barwaaqo.

Dhawaan ayey ahayd markii inta badan gobolada laga sameeyey bannaan baxyo roob doon ah

Comments are closed