Ruushka oo isaga baxay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC

putinRuushka (NN) 17/11/2016

Madaxtooyada Ruushka ayaa Arbacadii shalay shaacisey Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo laalay in wadanka Ruushka uu xubin kasii ahaado Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC oo fadhigeedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland.

Maxkamada ICC ayaa lagu dhisay heshiiskii Rome Statute ee sanadkii 1998, waxaana dhismaha Maxkamada saxiixay in ka badan 100 wadan oo xubno ka ahaa, Maxkamada ayaa shaqadeeda bilowday sanadkii 2002 waxayna noqotay Maxkamadii ugu horeysay ee Danbiyada oo Caalami ah ee awood loo siiyey si joogto ah inay u baarto danbiyada Dagaal, Xasuuqa iyo danbiyada kale ee ka dhanka ah Xaquuqul Insaanka.

Go’aanka Ruushka ayaa yimid kadib markii Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in Ruushka uu danbiyo ka dhan ah xaquuqul Insaanka ka geystay Jasiirada Crimea oo ay kala wareegeen wadanka Ukraine.

Wadanka Ruushka ayaa saxiixay sanadkii 2000 inuu xubin ka noqonayo dalalka hoostaga Maxkamada ICC, balse Baarlamaanka dalkaasi ayaan markale dib u ansixin sida uu sharciga qorayo.

Gadoodka dalalka Afrika

Horey ayey qaar kamid ah dalalka Afrikaanka u sheegeen inay isaga baxayaan Maxkamada ICC, dalka Burundi ayaa bishii Oktoober ee sanadkan noqday wadankii ugu horeeyey oo si rasmi ah uga baxay Maxkamadaasi.

Wadanka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka aan weli saxiixin heshiiskii lagu dhisay maxkamada ICC ee Rome Statute.

dalalka-saxiixay-icc

Dalalka Koonfur Afrika iyo Gambia oo iyagu horey u saxiixay inay kamid yihiin Maxkamada Caalamiga ah, ayaa dhawaan sheegay inay iyaguna isaga baxayaan kamid ahaanshaha ICC.

Maxkamadan ayaa dadka lasoo taagay ay u badnaayeen hogaamiyayaal kasoo jeeda Afrika, arrintan oo ka careysiisay wadamo badan oo Afrikaan ah oo ku eedeeyey dalalka reer Galbeedka inay maxkamadan si khaldan u adeegsadaan.

Waxaana kamid ahaa Hogaamiyayaasha weli dacwadooda socoto Madaxweynaha Sudan Gen.Cumar Al Bashiir, halka Maxkamada horey loo soo taagay Madaxweynaha Kenya ee xilka haya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

Comments are closed