DAAWO USA: Buuq ka dhextaagan Qoyska Trump iyo Taageerayaashiisa xil doonka ah – VIDEO

mareyknakaMareykanka (NN) 17/11/2016

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya inuu khilaaf xoogan uu soo dhexgalay qaar kamid ah Qoyska Trump iyo siyaasiyiinta horey u taageeraysay Madaxweynaha cusub Donald Trump, xili lagu jiro dhismaha guddiga u qaabilsan maamulka cusub siduu xilka ugala wareegi lahaa xukuumada Barack Obama.

Guddoomiyihii Gobalka New Jersey Chris Christie iyo koox xulafadiisa ah oo lagu waday inay hogaanka u qabtaan hawlaha Xilwareejinta ayaa awoodii laga xayuubiyey, iyadoo hawshaasi hada loo xilsaaray Madaxweyne kuxigeenka xilka la wareegaya ee Mike Pence.

Waxaa sidoo kale banaanka loo tuuray qaar kamid ahaa Lataliyayaasha Donald Trump oo iyagu xiriir laleh shirkadaha ku xiran Maalqabeenkaasi, iyadoo la sheegay in khilaafka ugu weyn uu sabab u yahay ninka lagu magacaabo Jared Kushner oo qaba gabada uu dhalay Trump ee Ivanka.

qoyska-trump-siyaasada-2

Ninkan ayaa kamid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhaw Madaxweynaha cusub.

Qoyska Trump gaar ahaan caruurtiisa sadexda ugu waaweyn ayaa si weyn uga dhex muuqday ololihiisii doorashada, isla markaana la sheegay inay awood weyn ku leeyihiin dhinaca la talinta iyo soo xulista siyaasiyiinta xilalka loo magacaabi doono.

Comments are closed