Shir Lagu Qiimaynayey Waxqabadka Magaalooyinka Deegaanada Ay taageerada gaarka ah Siiso JDFI oo ka furmay jigjiga.

screenshot_20161118-005125JIGJIGA (ESTVLIVE.COM) 1711/2016

Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka  ee qaryaan dhoodaan  shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay  ee sectorka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha ee deegaanada ay taageerada gaarka ah ka hela  JDFI. Deegaanadaasi  oo kala ah deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Benishaangulka iyo deegaanka Gambeela.

Waxaana,  ka soo qaybgalay shirkaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI  mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar,  masuuliyiinta xafiisyada horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha afartaasi deegaan iyo masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii shirkan ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayntii si diiran ugu soo dhaweeya xarunta deegaanka masuuliyiinta iyo martidii  ka soo qaybgashay shirkan  isaga oo sheegay in shirkan qiimaynta ah mudada uu socto diirada lagu saaridoono waxqabadkii  sectarka horumarinta magaalooyinku deegaanadani ee 6dii bilood ee la soo dhaafay. Afhayeenaka golaha xildhibaanada DDSI oo xusay in  shirkan qiimaynta oo 6dii biloodba mar lagu qabto  mid  ka mid ah deegaanadan kana soo baxaan qorshayaal lagu xoojiyo horumarinta magaalooyinka deegaanadan. dhinaca  afhayeenka ayaa sheegay  in deegaanka soomalida itoobiya guulo waawayn ka soo hooyay sanadihii ugu danbeeyay dhinaca horumarinta magaalooyinka DDSI, kor u qaadida bilicda iyo baaxada magaalooyinka DDSI, abuurida fursado shaqo , aas aasida iskaashatooyin  iyo kobcinta awooda. wuxuuna tilmaamay afhayeenku in DDSI sii xoojinayo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee magaalooyinka DDSI.

shirkan qiimaynta ah ayaa muddadii uu socday waxay  deegaanadu ku soo bandhigidoonaan warbixinta waxqabadkoodii, waxyaabihii ay hormuudka ku noqdeen/ ku dayashada mudnaa iyo meelaha ay goldaloolada ka jirtay. Nasiib wanaag waxaa xusid mudan in shirkan qiimaynta ah,  deegaankeena lagu qabtay ay isku soo beegmeen   shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee sectarka horumarinta magaalooyinka deegaanada dalka iyo 2da maamul magaalo oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada jigjiga.

Comments are closed