Xuska Maalinta Caruurta Dhicisnimada Ku Dhasha oo lagu Qabtay Nogob guardian hotel jigjiga

ddsi9jigjiga (ESTLIVE.COM) 18/11/2016

Munaasabada xuska maalinta daryeelka caruurta dhalata iyagoon shin’koodii gaadhin “Dhicis” ee heer caalami oo maanta ka dhacay hoolka shirarka huteelka Nogob guardian ee magaalada jigjiga. Munaasabadan ooy si wada jir ah u soo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka sida; UNICEF iyo IRC.

ddsi8Hadaba Waxaa furitaankii xuskan ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse, oo sheegay ujeedada iyo muhiimada ay xambaarsan tahay xuska maalintani kuna booriyay kasoo qayb galayaashu inay si fiican uga doodaan dhibaatooyinka la xidhiidha dhiciska iyo sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka bulshada ee ku aadan dhiciska iyo ka hortagiisa.

ddsi6Xuska sanadkan oo dalkeena hal ku dhag looga dhigay ” Habka hooyada kaangaaro da ahi ay u qabsato ilmaheeda waa Habka ugu wanaagsan ee loo daryeeli karo ilmaha dhiciska ah” taas oo ka dhigan in boga/laabta ilmaha iyo boga/laabta hooyada oon wax maro/dhar ah loo dhaxaysiinin la isa saaro kadib na maryo iyo buste la iskula duu-duubo. Munaasabadan ooy ka soo qayb galeen khabiirada caafimaadka heer deegaan, degmooyinka qaarkood, maamulka magaalada jigjiga, iyo hay’adaha ay bah’wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka. Waxaana lagu soo bandhigay war bixin tilmaamaysa xadiga dhimasha caruurta dhiciska ku dhashay ee heer dal iyo heer caalami iyo Habka looga hortagi karo ama lagu yarayn karo tirada dhalaanka u dhimata sababaha la xidhiidha dhicis nimada. Dood cilmiyeed ayaa ku xigtay warbixintii wax badanna lagaga dooday gaba gabadiina la isla meel dhigay arimo muhiim ah

Comments are closed