Galkacayo:Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyay Saraakiil Ciidan

gaasGaalkacyo (NN) 19/11/2016

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaaladda Galkacayo wuxuu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Dawladda Puntland , kuwaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka iyagoo aqoonta dhinaca ciidanka ee ay soo qaateen ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan u dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna loo dallacsiiyay saddex xiddigle , waxaana Saraakiishan oo tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka soo qaatay ay ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Taliyaha guud ee ciidamada Dawladda Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban u jeediyay saraakiisha uu dallacsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ee ay usoo dhamaysteen tababarkii loo diray laba sano ka hor , wuxuuna ku adkeeyey inay kasoo baxaan masuuliyadda ka saaran dadka iyo dalka iyo sidoo kale inay ka qayb galaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

Ugu danbayn, Madasxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku howlan qorshayaasiisa ku salaysan tababarida iyo tayaynta ciidamada kala duwan ee Dawladda Puntland.

 

Comments are closed