Sucuudiga oo mar kale xabbad joojin kaga dhawaaqey Yemen

yemenSacuudiga (NN) 19/11/2016

Isbahaysiga Boqortooyada Sucuudigu hoggaamiyo ee taagara dowladda taagta daran ee Yemen, isla markaana dagaalka kula jira Shiicada Xuuthiyiinta ee dalka ayaa ku dhawaaqey xabbad joojin xiligeedu yahay 48saacadood, taas oo ka bilaameysa maanta oo sabti ah. Sidaas waxaa qorey warbaahinta rasmiga ah ee Sucuudiga ee SPA.

Waxaa la go’aamiyey xabbad joojin 48saacadood ah oo ka bilaameysa saacaddu markey tahay 12 bartamaha maalinta xiliga Yemen (09:00 GMT), sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeen u hadley Isbahaysiga.

Xabbad joojintan ayaa la sheegayaa in uu dalbadey Madaxweynaha caalamku ictiraafsan yahay ee dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi

Wax war ah kama soo bixin dhanka Isbahaysiga Xuuthiyiinta iyo in ay dhankooda ku dhawaaqayaan xabbad joojinta.

Xabbad joojinta ayaa muddo kale lagu dari karaa sida lagu sheegay war ka soo abxay Madaxweynaha Yemen, haddii Xuuthiyiinta iyo kuwa ay isbahaysteen ee hoggaamiyihii hore ee Yemen ay u oggolaadaan hay’adaha gargaarku gaaraan magaalada Tiicis oo kamid ah meelaha xaaladaha ba’an laga soo sheegayo.

Comments are closed