Xaflad Casho Sharaf Oo Lagu Soo Xidhay Shirwaynihii 12aad Ee Horumarinta Magaalooyinka Ayaa Ka Dhacday Jigjiga.

0000csho4Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 20/11/2016

Waxaa xalay ka dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee qaryaan dhoodaan xaflad casho sharaf ah oo lagu soo xidhay shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta ee dalkeena itoobiya.

0000csho3Xaflada casho sharafta ah oo si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq, wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw Mekonnen, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay shirwaynihii 12aad saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta dalkeena itoobiya.

0000csho2Waxaana xafladan casho sharafta ah ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliinta iyo marti sharafta ka soo qaybgashay shirwaynahan ay martigalisay DDSI. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. isaga oo tilmaamay madaxwaynaha DDSI in xukuumada DDSI qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha qaybtiisa 2aad xooga saartay kobcinta awooda horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta DDSI.

0000csho6Dhankiisa wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta mudane Dr Ambachaw Mekonnen oo ka hadlay xafladan casho sharafta ah ayaa aad ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI sida quruxda badan ee ay u martigalisay shirwaynaha 12aad ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. Wasiirka ayaa aad u amaanay guulaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka gaadhay dhinaca horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

0000csho7Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar gudoon siiyay hadiyado ka tirjimaya dhaqanka dawlada deegaanka soomalida itoobiya masuuliyiinta ka soo qaybgashay shirkan oo uu ugu horeeyay wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw mekonnen

Comments are closed