Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 20/11/2016
waxayna, maanta ay booqdeen masuuliyiintani jidadka waawayn ee laga wado magaalada jigjiga kuwa laga dhigay laamay iyo kuwa la dhigay dhagaxa qoray ee loo yaqaano (cobblestone) gaar ahaan wadada wayn ee hormarta dhakharka kaaraamardha oo ah wado afar haad ah oo laamay ah, taasi oo samaynteedu meel fiican marayso.
Waxaa kale oo ay masuuliyiintani maanta booqdeen dhismayaasha guryo wadareedka loogu talagalay in ay galaan dadka dan yarta ah, oo ay xukuumada DDSI ka dhisay magaalada jigjiga kuwaasi oo dhismahooda la soo gabagabeeyay hadda. Meelaha kale oo ay booqdeen waxaa ka mid ahaa guryihii ay xukuumada DDSI u dhistay dadkii ay guryahooda gaadhay wadooyinka laga hirgaliyay caasiamda DDSI ee jigjiga. dhinaca kale waxay booqdeen masuuliyiintani xarumaha iskaashatooyinka shaqo abuurka looga sameeyay magaalada jigjiga waxaana ka mid ahaa iskaashato samaysa jaajuurka oo ay leeyihiin dhalinyaradii hore uga tirsanaan jiray ururkii UBBO ee wakhiyadii hore ka dhaq-dhaqaaqi jiray DDSI. Balse markii ka tooban keeneen fikiradii xumaa ee ay hore u aaminsanaayeen ay xukuumada DDSI u samaysay fursadaha shaqo abuurka.
Comments are closed