Madaxweynaha Puntland oo Garowe kulaabtey kadib xalintii colaadii Gaalkacyo

gaasGaroowe (NN) 20/11/2016

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hoggaaminayey oo arimo la xiriira xalinta iyo nabadaynta Magaalada Gaalkacayo u joogey ayaa maanta oo Axad ah waxaa uu soo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe haalkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor intii aanu soo gaarin Caasimada Garoowe waxaa uu kusoo hakaday qadar kooban degmada Burtinle halkaas oo uu kulan gaaban kula soo qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mudadii uu ku sugnaa gobolka Mudug magaala madaxdiisa Gaalkacayo ku guuleystey xalinta colaadii Gaalkacayo, waxaana arintaas kala qaybqaatey raysalwasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug.

Comments are closed