“Farxaan C/llaahi Faarax oo aan ahayn Qaan-gaarin, isla markaana Sharcigu uusan ogoleyn in la Xukumo, Xabsigana aan lagu sii hayn karin, Maxkamaddu Waxay Amar ku bixisay in lagu Wareejiyo Wasaaradda Cadaaladda Puntland, si ay dhaqan-celin ugu sameyso,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Cabdifataax Xaaji Aadan. Dhanka kale, Maxamuud Cawad Cumar oo ahaa Qareenkii u doodayay Raggaan maanta ay Maxkamadda Ciidamada Puntland xukunnada kala duwan ku ridday oo Warbaahinta hadal siiyay, ayaa sheegay in uusan ku Qanacsanayn Xukunnadaan, isla markaana uu Qaadanayo rafcaan oo dacwadda uu u wareejiyo Maxkamadda Sare ee Puntland. Waa markii labaad oo Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay xukunno isugu jira Dil toogasho iyo Xabsi daa’in ku Riddo eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Daacish. Waxaana Xukunka maanta la sheegay in laga qaadan karo Rafcaan muddo soddon maalmood gudahood ah. Ugu dambeyn, Maxkamadda ayaa sheegtay in Saddex ka mid ah afarta ruux ee ay dilka iyo Xabsiga dheer ah ku Xukuntay ay ku Dhasheen; Gobollada Bay iyo Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya oo ka tirsan deegaannada Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed
Comments are closed