Dhimasho badan oo ka dhacdey weerar lagu qaadey Masjid ku yaala Afghanistan

afganistanAfghnistan (NN) 21/11/2016

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku geeriyootey Masjid ku yaala caasimadda Afqaanistaan ee Kabul, kadib markii qof bom isaku soo xirey Masjidka isku dhex qarxiyey, sidaa waxaa qoraya qaar kamid ah wakaaladaha wararka. Dadka geeriyoodey waxaa kamid ah caruur. Qiyaastii 35 qof ayaa ku dhaawacmey weerarkan.

Masjidka weerarka lagu qaadey ayaa waxaa lahaa dadka aaminsan mad-habta Shiicada, Waxaana lagu magacaabvaa Baqir ul Olum waxaana weerarku dhacay xili ay salaadda sugayeen.

– Waxaan ku jirey Masjidka dadku waa fadhiyeen waana duecaysanayeen, hal mar ayaan qarax weyn maqalney, waxaana wada burburey gudaha masjidka muraayadihii daaqadaha ayaa soo wada daatey. Ma garan waxa dhacay, banaanka ayaan u boodey ayuu yiri Ali Jan oo u waramey qaar kamid ah wakaaladaha wararka.

Dadka Masjidka ku sugnaa ayaa isugu yimid xafladda ay Shiicadu leedahay ee Carabiya 40 maalmood kadib maalinta Caashuura, waxaana ay xusaan dhimashadii Imam Xuseen bin Cali ee Nebigu (NNKH) Awoowe u ahaa

Ma jirtro cid sheegatey weerarkan in ay ka danbeeyeen.

Comments are closed