Boolis lagu toogtey dalka Maraykanka

mareykankaMareykanka (NN) 21/11/2016

Maalintii Axadda waxaa toogasho lagu diley laba ka tirsan ciidanka Booliska ee dalka Maraykanka. Toogashada ayaa ka dhacdey gobolada Taxses iyo Missouri, waxaana la sheegayaa in aysan ahayn laba toogasho oo isku xiran.

Qofka ka danbeeyey toogashada ka dhacdey Missouri ayaa xabbad isku dhuftey oo nafta iska qaadey, kadib markii ay booliska rasaas is weydaarsadeen. Booliska la diley ayaa la toogtey iyaga oo shaqadooda ku jira.

Booliska ayaa ku daba jooga qofka ka danbeeyey toogashada San Antonio ee gobolka Taxes, waxaana ay shaaciyeen muuqaal ay qabatey kaamaada CCTV.

Sida warar kale sheegayaan mid kale oo ka tirsan Booliska ayaa lagu toogtey gobolka Florida, waxaana togashada ka soo gaarey dhaawac culus.

Isku dar 57 Boolis ah ayaa sanadkan lagu diley gudaha Maraykanka, taas oo kor u kacdey 68% marka loo barb-bardhigo sanadkii ka horeeyey ee 2015.

Comments are closed