Xuska Maalinta Adeega Faraxalka Iyo Musqulaha Aduunka Oo Jigjiga Laga Xusay.

screenshot_20161122-171306Jigjiga 1(ESTVLIVE.COM) 22/11/2016

Waxaa magaalada jigjiga si balaadhan looga xusay munaasabada xuska maalinta adeega  faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya xafiska waxbarashada DDSI iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

screenshot_20161122-171329Munaasabadan oo ka dhacday madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka DDSI ayaa waxa  ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha  xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad, masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF iyo arday laga soo kala xulay dugsiyada waxbarashada maamulka magaalada jigjiga.

Waxaana ugu horayntii furitaankii munaasabada xuska  ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil cali  oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha. Isaga oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI xooga saaray kor u qaadida adeega caafimaadka  iyada oo ahmiyada la saaray kor u qaadida dhinaca nadaafada, iyo sidii looga hortagi lahaa cudurada loona xakamayn lahaa. Wasiirka ayaa tilmaamay in  iyada oo laga duulayo taam yeelida adeegyada caafimaada in la hirgalinayo sidii ay  dhamaan bulshada deegaanka qoys waliba u helo musqul/suuli  u gaar ah.

Dhankiisa waxaa munaasabadan ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo  tilmaamay ahmiyada ay leedahay xuska maalinta faraxalka aduunka oo caalamka, dalka iyo deegaankaba si meeqaam sare ah looga xusayo maanta. Wuxuuna sheegay ahmiyada ay leedahay nadaafadu, isaga oo tilmaamay in marka la hello bulsho caafimaad qabta la heli karo bulsho waxbarata, bulsho wax soo saarleh sidaasi darteedna uu caafimaadka lafdhabar u yahay bulsho kasta

Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida, ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo  warbaahinta deegaanka  la hadlayay ayaa ka si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay fayo dhawrka caafimaadka  iyo maalinta adeega  faraxalka  iyo musqulaha aduunka . wuxuna sheegay masuulku in ujeedada  laga leeyahay xuska maalintani tahay sidii kor loogu qaadilahaa fahanka bulshada ee ku salaysan ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha   kuna booriyay bulshada deegaanka in ay siwayn ugu baraarugsanaadaan ahmiyada ay leedahay istimaalka faradhaqashada  iyo isticmaalka musqusha si looga hortaga cudurada ka dhalan kara fayo dhawr la’aanta.

Munaasabadan xuska maalinta adeega faradhaqashada iyo muqulaha   aduunka ayaa intii ay socoday waxaa lagu soo bandhigay tartan  u dhexeeyay ardayda ka socotay isguulada maamulka magaalada jigjiga, kaasi  oo ay ku  soo bandhigayay ciyaaro dhaqameedka, riwaayada, iyo gabayo   ka turjimayay  ahmiyada ay leedahay maalinta faraxalka aduunku.

Gabagabadii munaasabadaasi ayaa waxaa masuuliyiintii ka soo qaybgashay xuska  oo ay ugu horeeyaan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI iyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI   ay  si wada jir ugu faraxasheen goob loo diyaaray in lagu muujiyo maalinta adeega faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka.

Comments are closed