Maxkamadda Sare ee Masar oo joojisey xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee Maxamed Mursi

screenshot_20161122-171808Masar (NN) 22/11/2016

Maxkamadda sare ee Dalka Masar ayaa markii labaad u fariisatey xukun kale oo ka dhan ah Madaxweynihii Masar ee sida Dimoqraadiga ah lagu soo doortey Maxamed Mursi, oo xabsi ku jira tan iyo sanadkii 2013.

Mursi ayaa horey loogu xukumey xukuno kala duwan oo ay ka mid ahayd dil iyo xabsi daa’in iyo xukuno kale.

Maxkamadda sare ayaa meesha ka saartey xukunkii dilka ahaa, waxaana ay dalbatey in mar kale dacwadiisa la qaado, todobaadkii hore. Maxkamadda sare ayaa isla maanta laashey xukunkii kale ee dhigaayey xabsi daa’inka, waxaana si lamid ah xukunkii hore ay dalabtey in dacwadiisa dib loo furo.

Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee si dimoqraadi ah loo soo doorto oo dalka Masar yeesho, waxaana xukunka ka inqlaabey ciidanka Milteriga oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha inqilaabka ku yimid sanadkii 2013 Cabdifataax al-Sisi.

Mursi ayaa weli xabsiga ku jira, waxaana jira xukuno kale oo gaaraya 20 sanadadood oo maxkmaddu horey ugu xukuntey kaas oo la xiriira Jaajuusnimo

Comments are closed