Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 23/11/2016
Hadaba kulankan 9aad ee microfinance yada dalka ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ha marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn soo dhawaysay dhamaan masuuliyiinta kasoo qayb galay shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacaga yaryar ee dalka, Waxayna madaxwayne ku xigeenku intaa ku dartay inuu kulankan yahay mid lagusoo bandhigayo waxqabadka haaydaha lacagaha yaryar ee dalka islamarkaana mudo 3 cisho ah sii socon doono.
Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay maareeyaha wakaalada haayadaha lacagaha yaryar DDSI mudane Maxamed Cabdiraxman Macalin oo si qota dheer ooga warbixyay waxqabadka guud ee haaydaha lacagaha yaryar ee DDSI islamarkaana sheegay in micro finance DDSI uu sidii loobaahnaa ooga hirgalay dhamaan goobaha uu ka howlgalo.
Sikastaba ha ahaatee shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacagaha yaryar ee dalka ayaa ah markii 1aad ee deegaankeena lagu qabto.
Comments are closed