Heshiiskii Xukuumadda Colombia iyo FARC oo mar kale dib loo saxiixayo

colmibaKolombiya (NN) 23/11/2016

Maalinta Khamiista ah waxaa mar kale qalinka lagu duugayaa in la soo afjaro dagaalada qaatey 52 sano ee dalka Kolombiya, Koonfurta Ameerika.

Xukuumadda Colombia iyo Jamhadda FARC ayaa kala saxiixanaya heshiiskii hore oo wax badan laga beddalay.

Heshiiskii hore waxaa uu noqdey mid aan sax ahayn kadib markii afti dadweyne loo qaadey oo cod aad u yar ay ku diideen shacabka Colombia.

Madaxweynaha Colombia Jose Manuel Santos ayaa maalintii shalay ee Salaasada sheegay in ay Khamiista saxiixayaan heshiiska, markaan loo qaadi maayo wax afti dadweyne, waxaana ansixinaya Baarlamaanka dalkaas.

Jose Manuel Santos ayaa sheegay in ay maqleen codka shacabka wixii ay doonayeena ay ka beddeleen.

Qodobada ugu muhimsan ee shacabku diideen waxaa kamid ahaa naxariis iyo amni la siinayo kuwii denbiilayaasha ahaa ee ka danbeeyey afduubka iyo dilalka qorsheysan.

Madaxweynaha Colombia Jose Manuel Santos ayaa ku guuleystey abaalmarinta nabadda ee Nobel ee sanadkan 2016, waxaana lagu wadaa in bisha Diseembar uu yimaado magaalada Oslo si uu u guddoomo Abaalmarnta.

Heshiiskan waxaa ka soo horjeeda Xisbiya Mucaaradka oo sheegaya in Madaxweynuhu waxa uu eegayaa keliya a tahay biladda nabadda ee la siiyey.

Comments are closed