Wararkii ugu danbeeyay doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee ka soconaya gobollada dalka

vMuqdisho (NN) 23/11/2016

Iyadoo guud ahaan deegaannada maamul gobolleedyada dalka ka sii socdaan doorashada xubnaha aqalka, hoose, ayaa doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay xildhibaanno cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka sanadkan 2016ka.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ka mid ah Farxiyo Muumin Cali, Cumar Cismaan Waasuge [ Cumar Riinge] iyo C/fitaax Qaasim Max’uud, kuwaa oo ku biiraya xildhibaannadii horay ugu guuleystay doorashada xubnaha aqalka hoose.

Siddoo kale, magaalooyinka Garoowe, Kismayo iyo Baydhabo ayeey doorashadu maanta ka sii soctay, waxaan soo baxay xildhibaanno intooda badan ku cusub siyaasada, markii ugu horeysayna ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka sanadkan.

Ugu danbeyntii, inkastoo guddiga doorashada dadban wali ku adkeysanayo in doorashada waqtigeeda la qaban dooono, ayaa haddana waxaa muuqata in mar kale dib u dhac iman karo, madaama ilaa iyo hadda aan la soo dhameystirin xildhibaannada aqalka hoose oo laga yaabo in la soo gabageeyo bishan November ilaa December hortaanteeda

Comments are closed