Abwaan/Macalin Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa Abwaanaddii Hoboladda Waabeeri oo maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa

20161123636154961077058960kayd1Hargeysa (NN) 23/11/2016

Alla ha u naxariistee waxa maanta magaaladda Hargeysa hoygiisii Aakhiro u jarmaaday Abwaan, macalin, Mu’aluf Maxamed Jaamac Kayd oo mudooyinkan dambe bukaan JIif ahaa.

Abwaan Maxamed Jaamac Kayd ayaa waxa mudooyin dambe u xanuunsanayey Faalug kaga dhinacay dhinaca, kaasi oo waayadan dambe bukaan socod ka dhigay, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday faalugii oo mar kale ku soo noqday.

Abwaan Kayd oo dadka taariikhdiisa hayaa sheegeen inuu ku magac dheeraa Kayd Dhegoole wuxuu ahaa qof dhinacyo badan kaga jiray nolosha bulshadda, waxaanu ahaa macalin arday badan wax baray, waxaanu macalinimadda ku darsaday inuu noqdo hal abuur mufakir ah oo sameeyey Riwaayado iyo heeso badan oo ay ku luuqeeyaan fanaaniin caan ah sida Khadra Daahir Cige, Cabdiqaadir Macalin Juba, Axmed Cali Cigaal,Saynab CIge iyo kuwo kale oo faro badan.

 

Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd waxa la sheegaa inuu dhashay hiilaadii 1952 oo ku dhashay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu waxbarashaddiisii iyo hoose iyo dhexeba ku soo qaatay isla magaaladda Burco, isagoo markii dambe usoo wareegay magaaladda Muqdisho oo uu ka bilaabay macalinimadiisii.

 

 

 

Marxuum Kayd wuxuu cilmiga Suugaanta ka soo bartay dalka Masar, markii dambana Macalin ka noqday jaamacadii Lafoole.

 

Marxuum Abwaan/Macalin Kayd wuxuu ka mid noqday hobolada Waaberi oo uu noqday rukanaddii ay ku dhisnayd, isagoo hal abuuray heeso faro badan iyo Riwaayaddo wakhtigaasi aad loo jeclaa uu sameeyey.

 

Sannadkii horaantii kun sagaal boqol sideetamaadkii Abwaanku riwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo, taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida heesta “ Marti ee ay qaado Kharo Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin.

 

“Cudurka kaagala fardaha, Haddi laga gubo Dameer  Dawada lama gaadhayoo”

Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu alifay heeso kale oo ay ka mid tahay heesta Adduunyo oo ay qaado fanaanada Saynab Cige Maxamed .iyo heeso kale oo u kala dhiibay hobolada Aamino Cabdulaahi , iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaashay Gacalisooy.

 

Abwaan Kayd wuxuu ahaa nin dabeecad, dhaqan iyo qalbi fiican sida ay sheegeen fanaaniintii ay soo wada shaqeeyeen, waxaanay ilaahay u waydiinaynaa inuu janaddii Fardawso ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed uu samari iyo iimaan ka siiyo.

 

Comments are closed