Xukuumadda Britain oo Beenisay Hadal kasoo yeeray Madaxweynaha la Doortay ee Mareyanka

mareykankaMareykanka (NN) 23/11/2016

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Britain ayaa ku gacan-sayray baaq kasoo yeeray Donald Trump oo uuu Xukuumadda UK ka dalbaday inay Wakiilkeeda Washington u Magacowdo Nigel Farage oo Hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda aysanba banaanayn.

Wasiirka Dowladda Britain ee ka bixitaanka Midowga Yurub David Davis ayaa sheegay in safiirka Britain ee Maraykanka Sir Kim Darroch uu yahay safiir aad u fiican sanado badana ay u badan tahay inuu sii hayn doono xilkaasi.

Donald Trump ayaa Hadalkan ku qoray bartiisa Twiteer-ka. “Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan Mr Farage oo ah Wakiilka Britain u Qaabilsan Maraykanka. Shaqo adag ayuu qaban lahaa,” ayuu qoray Donald Trump.

Farage oo ah Hoggaamiyaha xisbiga soo galooti-diidka ee UKIP aaa noqday siyaasigii ugu Horreeyay oo British ah oo kulan la Qaata Donald Trump Tan iyo markii Madaxweyne loo doortay. Farage ayaa taageero u muujiyay Donald Trump intii uu ku jiray ololaha.

Sidoo Kale, Farage wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu adkeeyo xiriirka dalkiisa iyo kan Mareykanka. Wuxuuna intaas ku daray in dunidu isbedashay xukumadda Britain-na looga baahan yahay inay iyaduna la jaan qaado isbedeladaasi.

Ugu dambeyn, Nigel Farage ayaa ku eedeeyay Dowladda Britain in nacaybka ay isaga u qabto ay ka Hor-marisay waxa uu ugu yeeray ‘Danaha Qaranka’.

XIGASHO: BBC

 

Comments are closed