Dowladda Puntland:Hal Milyan iyo Bar Qof ayay Abaartu Saamaysay-War-Murtiyeed

garoowGaroowe (NN) 24/11/2016

Warm-murtiyeed ka soo baxay shirkii gollaha xukuumadda ee Maanta ayaa lagu sheegay in dad gaaraya  hal milyan iyo Bar qof oo reer Puntland oo ku nool sagaalka gobol ay saamaysay Abaartu

Wamuritiyeedka waxaa lagu sheegay in dowlada ay diyaarinayso sidii dadkaasi lagu gaarsiin lahaa biyo, iyadoo la diyaariyay 20 baabuur oo wada dawooyin loogu talagalay dadka iyo xoolaha.  Waxaa kaloo  dowladu sheegtay inay  diyaarinayaan  gurmad xoog leh oo ka kooban cunto, Hu’ iyo deegaan loogu talagalay  in la dejiyo dadka ay xoolihii dhaafeen.

“ Gollaha xukuumadd dowladda Puntland ayaa caddeeyey in dowladda  ay ku guda jirto sidii loogu gurman lahaa dadka iyo duunyada abaaruhu wax-yeeleeyeen, oo gaaray 200,000 oo kun oo qoys ama 1500,000  (Malyan iyo shan boqol kun oo qof) tira ahaan, oo kala jooga sagaalka gobo lee Puntland” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka

“ waxaa maanta si buuxda loogu dhaqaaqay goobaha gurmadka 175 booyadood oo biyo ah iyo gaadiid raashin wada, islamarkaana Goluhu (Xukuumadda ) waxay caddeeyeen in wax-qabadkaan uusan dhameyn 10%, marka loo eego baaxadda dhibaatadda abaaruhu geysteen”

Warmurtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay in Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ay u diyaargaroobayaan sidii  ay uga  qaybqaadan lahaayeen  gurmadka dadka dhibaatadda iyo haraadku ka soo gaaray abaaraha.

Ugu dabayntii, dowladda Puntland waxay ugu baaqayday shacabka soomaaliyeed iyo kan Puntlandba iyo dhammaan hayadaha samo-falka inay ka qaybqaataan gurmadka dadka la il-daran gaajada iyo xanuunka ay Abaaruhu reebeen.

warmutiyeedka-shirkada-xukuumadda-ka-soo-baxay

 

 

Comments are closed